DHAGEYSO:-Shacab ka barakacay Colaada gobolka Sool oo gaaray degmada boocame ee gobolka sool

0

Xili wali ay taagantahay Xiisad Colaadeed oo u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Soomaliland ayaa waxaa sii badanaya dadka ka Barakacaya gobolka Sool.

Gudoomiyaha degmada Boocame ee gobolka Sool Mudane Xayle Xassan Shire ayaa sheegay in Qaxooti cusub oo Gaaraya 2500 ilaa 3,000 Qoys ay soo gaareen gudaha degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay dadka ay kusoo dhaweeyeen gudaha degmada Boocame ay qaarkood la Jiifaan Xanuuno halka qaarkalana ay Gaajo haysay.