DHAGEYSO:-Madaxweyne Muusa Biixi iyo Xubno ka socda Q.M iyo IGAD oo kawada hadlay soo af jarida Colaada Tukeraq

0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  kulan gaar ah Waxaa uu  la  qaatay xubno  ka kala socda Q.M iyo urur-goboleedka IGAD,Waxaa ayna ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan deegaanka Tuke-raq ee gobalka Sool.

Masuuliyiinta uu madaxweynaha la kulmay ayaa waxaa ka mid ah ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo,

Wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, oo  warbaahinta la hadlay waxaa uuna sheegay in madaxweynaha Soomaaliland iyo xubnaha ka socda Q.M iyo Urur gobaleedka IGAD ayaa waxaa isku afgarteen  in la ilaaliyo deganaasha  deegaanka TUKARAQ  ee  uu dhawaan ka dhacay dagaal u dhexeeya Soomaaliland iyo Puntland.