DHAGEYSO:- DFS oo sheegtay in Xisbi Siyaasadeed furanayso

0

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawaan kusoo kordhinayso Xisbiyada Siyaasadda ee ka hawlgala dalka xisbi uu hogaaminayo Madaxweynaha dawlada Federalka Soomaaliya.

Hadal uu Raysal wasaare ku xigeenku shalay uga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayuu ku sheegay in dawlada Soomaaliya ay soo waddo dhismaha xisbi Siyaasadeed Qaran kaasoo uu hormuud u yahay Madaxweynaha dawlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.