Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Afgooye

0

Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo watta Eeyo taba baran oo maanta howgal ka sameeyay Xaafado ka mid ah magaaladaas ay soo qabteen laba Wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay qirteen in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamadaas hogaaminaya ayaa sheegay in ay Saaka gacanta ku dhigeyn laba wiil oo ay sheegeen in ay qirteen in ay ka mid ahaayeen Al-shabaab.

Magaalada Afgooye ayaa maanta waxaa booqanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay galab ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Eretariya.