Akhriso:-Weeraro Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaraxyo bambaanada gacanta laga tuuro loo adeegsaday oo labo ahaa ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarka hore oo loo adeegsaday qarax Bam ayaa lagu tuuray Saldhiga Degmadda Holwadaag ee Gobolka banaadir,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadda Dowladda ayaa qaraxa iyo rasaasta kadib howlgal ka sameeyay Xaafadaha Ku dhow Saldhiga Degmadda Howlwadaag.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu weeraray Saldhiga Degmada holwadaag.

Sidoo kale qarax labaad ayaa lagu weeraray goob isbaaro ah oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda Bambadda.