AKHRISO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo xilka la wareegay

0

Saadaq Cumar Xasan oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Shaqadaas,iyada oo aanay dhicin munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in shaqada uu si toos ah u bilaabay Taliyaha cusub ee Booliska Saadaq Cumar Xasan oo dhawaan loo magacaabay Xilkaan.

Todobaadkaan gudihiisa ayay ahayd markii dowladda Fedraalku ay isbedel ku samaysay laamaha Amaanka iyada oo ciidankii Nabadsugida lagu daray Booliska halka kuwa kalana la geeyay xeryo ciidan oo ku yaal banaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kalana waxa is bedelkaas uu saamayn ku yeeshay Taliyaashii xukumayay ciidamada gaar ahaana Taliyhii ciidanka Nabadsugidda gobalka Banaadir oo xilkaas laga qaaday loona magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir.