Akhriso:-Qarax Khasaaro geystay oo Duleedka Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya

0

Qarax Miinada Nuuca Dhulka lagu Aaso ayaa Saaka waxa lagu eegtay Gaariga ay sarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kaa oo mararay Meel aan ka fogeyn Xerada Maslax ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu Aaso oo lala beegsaday Gaariga Nuuca Dagaalka ee loo yaqaan Cabdi Bilaha,waxa ayna Goob jogayaasha ay tilmaameen in uu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidanka Dowladda,inkasto aysan shegeen halka uu la eg yahay Khasaaraha ka dhashay Qaraxasi.

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa hakad gelin Daqiiqado kooban isku Socodka Dadka iyo Gadiidka,inkasto markii dambe ay dib ay u fureen Ciidamada wadada ay Xireen.