Akhriso:-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jubaland oo Saacdo Lagu Xidhay Garoonka Muqdisho

0

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa saacado lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee Garoonka Muqdisho ayaa xiray Guddoomiyaha iyadoona Xiragiisa lagu sheegay in ay salka ku hayso arimo la xiriira Baasaboorka uu watto Guddoomiye Shaafi oo ah mid Diblomaasi, kaas oo shaki la geliyay sida uu ku qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee maamulka Jubaland.

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Wasiirka Duulista Hawada ee Xukumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa si degdeg u soo farageliyay xaalada ka dhalatay xarigiisa Guddoomiyaha, kuwaas oo wadahadalo kaddib Waxaa lagu guulaystay in la sii daayo