Akhriso:-Dil ka dhacay Muqdisho & Gacan ku dhiiglihii oo la dhaawacay

0

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Askariga ayaa la sheegay xilliga la dilaayay in uu ku sugnaa goob Maqaaxi oo Shaaha laga cabo.

Koox hubeysan ayaa toogatay Askari oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muuse.
Kooxihii Askariga dilay ayaa la sheegay in Mid ka mid ah ay dhaawaceen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ee goobta ku sugnaa.

Ninkii dilka geystay ayaa baxsaday, asaga oo dhaawac ah sidda ay dad goobjoogaal ah ay noo xaqiijiyeen.