DHAGEYSO:- TOP NEWS Dowladda oo raali gali kabixisay Dhiibistii Qalbi dhagax

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii booqasho 3-cisho qaadatay uu ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eretria,Isaga oo halkaas dhigiisa dalka Eretria kula soo saxiixday Heshiisyo Muhiim ah.

Wefdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa markii ka soo degeen Garoonka Aadan Cadde waxa ay Warbaahinta uga warbixiyeen Safarkii ay ku tageen Magaalada Asmara iyo waxa ay ku saabsanayd booqashadaa.

Warbaahinta gudaha ayaa werisay intii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Magaalada Asmara in uu kulan la qaatay Madaxa Jabhadda ONLF dowladda Soomaalilyana ay raaligelin kabixisay dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in jiraan wadahadalo dhex maray labada dhinac hase ahaatee Dowladda go,aankeedu uu yahay kii ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya.