Akhriso:-Kufsi ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug

0

Iyadoo mudooyinkii danbe ay soo badanayeen Tuugo u badan dhalinyaro oo koox Koox u wadda socda kuwaasoo Haweenka iyo Bulshada magaalooyinka gobolka Mudug ka furaya Wixii ay wataan ayaa waxaa bar bar socda kufsi ay la kulamayaan haweenka.

Koox dhalinyara ah oo gaaraysa ilaa 5 Nin iyo Haweenay ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen Falka Kufsiga ah ee loo gaystay Haweenaydii ugu danbaysay ee lagu Kufsaddo degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Gabadha ayaa Xanuun badan ka sheegatay Qaybaha danbe jirka waxaana baaritaan lagu sameyey lagu ogaaday in gabadhu la kulantay Kufsi taasoo xiligan lagu waddo in loo qaado degmada Garowe ee caasimada dawlada Puntland si Shaybaarkii waynaa ee Puntland loogu sameeyo Baaritaan ka wayn ka dhaqaatiirtu ku ogaadeen Kufsiga haweenayda.

Dhalinyaradii Kufsiga u gaystay Haweenaydan ayeysan jirin cid soo qabatay iyadoo ay jiraan inay sheegtay ilaa 3 kamid ah oo Qaarkood ay shaqaale ka yihiin Gudaha degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Maamulka gobolka Mudug kan degmada Xarfo iyo Ururka Haweenka wali kama aysan hadlin Falka kan Kufsi ee ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Kufsiga ka dhacay Degmada Xarfo ayaa wuxuu kusoo Aadayaa iyadoo isbitalka guud ee gobolka Mudug ay yaalaan labo Gabdhood oo kufsi kale loogu gaystay Duleedka degmada Gaalkacyo kuwaasoo waxyeelo wayna jirkooda la gaarsiiyey kiiskaas oo lala xiriiriyey Ciidamada Booliska ee gobolka mudug