DHAGEYSO:-Dowladda soomaaliya oo go’aan cad ka soo saari doonta arimaha xajka

0

Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa waxa ay xilligaan wadaan sidii xal looga gari lahaa khilaafka ka dhashay Arrimaha Xajka oo waqtigeeda la joogo.

Dad badan ayaa dhaliil la muujiyey habka loo marey Arrimaha Xajka,iyada oo Siyaasiyiinta qaarkood ay sheegeen in la siyaasadeeyey Arrimihii Xajka ee Sanadkaan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maxamed Kheyrow Aadan ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku mashquulsan tahay xalinta arrimhaas si loo dhameeyo.

Waxa uu sheegay in Kusimaha Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas uu ku maqan yahay dalka Sacuudiga,isla markaana la rajeynayo in isla Maanta ay Go’aano soo wada saaraan si ay  u bilaawdaan dulimaadyada Xajka.