AKHRISO:- Ku Dhowaad 200 oo Soomaali ah Ayaa Ku Xayiran Deegaanka Guji ee Itoobiya.

0

Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda.