Puntland oo sheegtay inay dib ula wareegeyso deegaanka Af-urur

0

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku goodiyay in ay dib ula wareegi doonaan gacan ku heynta deegaanka Af Urur ee gobolka Bari.

Deegaanka Af-urur oo u dhow Buuraha Gal-gala ayaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland kaga beegan dhinaca galbeed, halkaas oo shalay ay la wareegeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab, kadib markii Ciidamada Puntland ee halkaas ku sugnay ay isaga baxeen.

Inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa ka bixitaan Ciidamada ay ka baxeen deegaanka Af-urur, balse waxaa jiray warar sheegayay in Ciidamada Puntland ee halkaasi fadhiisimaha ku lahaa ay ugu baxeen dhaq dhaqaaq xoogan oo ay sameynayeen kooxda Al-shabaab ee halkaasi la wareegay.

Saraakiishu Ciidamada Maamulka Puntaland ayaa sheegay in deegaanka ay xaalad Milateri ay ugu baxeen balse aysan jirin Cadaadis ama Cabsi kaga timid dhinaca Al-shabab.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada daraawiishta Puntland Cigaal Cabdi Warsame ayaa shaaciyay in waqtigaan ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeen deegaanka saacadaha soo socdana ay dib u qabsan doonan.