DHAGEYSO:- Saraakisha Puntland oo beeniyaay in alshabaab qabsadeen Af-urur

0

Taliye ku xigeenka ciidamada Puntland ee deegaanka Af Urur Cigaal Cabdi Warsame oo isagu beeneeyey in ciidamadoodu ay ka baxeen deegaankaasi, kadib markii saaka ay soo bexeen warar sheegaya in Alshabaab halkaasi ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha oo Waraysi siiyey Warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha uga degsan ciidamada Puntland dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, waxaana uu baaq u diray shacabka iyo dowladda Puntland.