TOP NEWS:-Askar lagu eedeeyay in ay Khal-Khal ciidan ka dhex wadeen xerada Generaal Gordon..

0

Maanta oo khamiis ah waxaa maxkamada darajada koowaad ee  Ciidamada qalabka sida xukun ay ku riday askar tiradooda ay gaareyso  18 askari,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay khal-Khal ka dhex wadeen ciidanka ka tirsan Guutada 14 October iyo in ay  gadood ka sameeyeen xarunta Generaal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobalka Banadir.

Xerilaalinta ayaa waxaa ay askartan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen boob la sheegay in ay ka geysteen xerada,iyagoona sidoo kale sheegay  in cadeeymo arimahaasi ku saabsan ay ka hayaan.

Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askartan lagu soo eedeeyay in ay wax ka ogaayeen hub la sheegay in la gala baxay xerada Generaal Gordon iyo in ay qal-qal ka dhex abuuri rabeen askarta ka tirsan Guutada 14 October oo la as aasay Qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in Sideed iyo tobankan  askari maanta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan.

Dhawaan ayay aheyd  markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay,iyadoona maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalbka sida ay askar ku xukuntay in arintaasi ay wax ka ogaayeen.