TOP NEWS:-Amiir Imaaraati Ah Oo Isku Dhiibay Qatar Ka Dibna Sir Culus Shaaca Ka Qaaday

0

Wargeyska The New York Times ayaa warbixin ka qoray wareysi uu la yeeshay amiir Imaaraati oo 31 jir ah, Sheikh Rashid Bin Hamad al-Sharqi, kaasi oo bishii May ka cararay dalka Imaaraatka, iskana dhiibay Qatar.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan muran ka dhex oogan Amiirada dalkiisa, ku lug lahaanshaha Abu-Dhabi ee been-xalaaleynta lacagaha iyo sida Imaaraatka u maal-geliyaan amiirada Qatar ee dibad-joogga ah.

Amiir Rashid bin Hamad al-Sharqi, oo ah wiilka maamulaha Imaaradda Fujairah, ayaa maamulayey warbaahinta dowladda tan iyo 16-kii bishii May, markaasi oo uu si yaab leh uga soo degay garoonka diyaaradaha Doha, isaga oo magan-galyo doon ah, oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday in xiisad ay ka dhex oogan tahay amiirada Imaaraadka, gaar ahaan ku lug lahaanshaha Abu Dhabi ee howlgallada Milatari ee dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in amiirada imaaradda Abu Dhabi aysan wax latashi ah la sameyn maamulayaasha Inaaradaha kale, ka hor inta aysan ku biirin dagaalka Yemen.

Waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Imaaraati ah oo lagu dilay Yemen ay badankood kasoo jeedaan Imaarado yaryar sida Imaaradda Fujairah.

Amniirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay marti-geliso amiiro kasoo cararay dalka Qatar, kuwaas oo ay ka dhigaan amiirada saxda ah ee Doha.

Amir Rashid ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay ku lug leedahay been-xalaaleyn lacago loo kala gudbiyo dad uusan aqoon iyo dalalka ay kasoo jeedaan.