DHAGEYSO:-Faah faahin ka soo baxeysa Dagaal Khasaaro geystay oo Xalay ka dhacay G/Sh/Hoose

0

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Dagaal Xooggaan oo Khasaaro geystay oo Xalay Saqdi dhexe ka dhacay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Degmada Qoryooleey,waxaana Dagaalkasi ka dhashay Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Gaashaanle Maxamed Qaadi C/Laahi oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Saldhigga Degmada Qoryooleey ayaa sheegay in Al-shabaab ay Weerar ku soo qadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Degmada Qoryooleey,halkasina uu ka dhacay Dagaal Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay.