Akhriso:-Dowladda Somalia oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga & Shirkadda Daabaceysa

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga la bilaabayo qaadashada Kaararka Aqoonsiga Qaran (Somali National ID) oo soo saaristiisa ay wado Madaxooyada Soomaaliya.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka kala socday Madaxtooyada, Wasaaradaha qaarkood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Bangiga Adduunka iyo saraakiil ka socda dalka Bakistan oo la siiyey qandaraaska sameynta Kaaraka ayaa looga hadlay qaabka loo fulinayo hannaanka bixinta kaararka Aqoonsiga.

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fursade) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in bilowga sanadka 2019 la qorsheynayo daahfurka diiwaan gelinta muwaadiniinta qaadanaya Kaarka Aqoonsiga dalka.

“Marka la gaaro bisha Janaayo 2019 waxaan bilaabi doonaa diiwaangalinta dadka, waxaan rajeyneynaa inta ka horreysa in aan dhammeystirno wax walba oo loo baahan yahay oo fududeynaya shaqadaan, innaga oo kaa shaneyna Bangiga aduunka iyo hey’adda ka socda dalka Bakistaan oo shaqadan nala qaban doonta” ayuu yiri Dr Nuur Fuursade.

Tobankii maalin ee ugu dambeysay waxaa dalka ku sugnaa wafdi khubaro ah oo ka socday Shirkadda NADRA oo ah waaxda dowladda Pakistaan u qaabilsan fulinta nidaamka Kaararka Aqoonsiga, kuwaas oo u joogay xog uruurin ku saabsan hirgalinta Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga qaran ee dhawaan la bilaabo doono.