SAWIRO:- Maxkamada Ciidamada Jubbaland oo maanta Fulisay Xukun dil ah

0

Maxkamada Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo horay dil u geystay.

Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ilyaas Jiiroow,waxaana uu shalay Xaafada Calaley ee Magalada Kisamayo uu ku dilay Askari kale oo lagu Magacaabi jirey Cabdi Naasir Abshir iidle,ka dib markii ay wada murmeyn.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland Mowliid Yaasiin Axmed ayaa sheegay in Askariga ah lagu fuliyey dil ka dib markii ay cadaatay in uu sibareer ah uu dilka u geystay.

Jubbaland ayaa wax ay horay xukuno isugu jira dil iyo xukuno kale waxa ay ku riday ciidamo ka tirsan Maamulkaas kuwaas oo egsytay falal ay ka mid yihiin dil iyo dhac intaba.