DHAGEYSO:-Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo la sheegay in ay mudan yihiin in xilka lagawada qaado maxay tahay sababtu?

0

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulada Jubbaland ayaa Edeeyn ballaaran u jeediyay saraakiisha Ammaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Madaxda Dowladda Federaalka soomaaliya,in aysan Diyaar u aheyn in Soomaaliya ay Amni noqoto.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbland ee ka Howlgala Koonfurta Gobolka Gado, Cabaas ibraahim Gureey ayaa saraakiisha Ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee xilalka haya ugu baaqay ineey is casilaan,maadama ay Awoodi weyeen in ay sugaan Ammaanka Magaalada Muqdisho.