DHAGEYSO:-Maxaa ka jira in puntland iyo soomaaliland ay heshiis hordhac ah gadheen?

0

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah Isimadda dhaqanka ee Puntland lana kulmay wafdigii Soomaaliland ee ka yimid ee Hargeysa, ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray waftigii ka socdey Soomaaliland iyo isimada dhaqanka ee Puntland.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in Puntland aysan wax heshiis ah lagelin Soomaaliland aysana la fariisan doonin Soomaaliland inta ay kujirto xuduudda Puntland isimaduna aysan ka dulboodi karin go’aamada dowlada dalka ka arrimisa.