DHAGEYSO:-Wasiir Isloow “Markii la Xidhay Wadooyinka Al-shabaab ayaa dadka soo dhax galay oo ka hadalsiinaya”

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay Wadooyinka magaalada Muqdisho ee xiran wuxuuna sheegay in markii la xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho laga hortagay weeraradii Al-shabaab ay geysan jireen, Balse shacabka ku nool magaalada ay ka dhiidhiyeen xirnaashaha wadooyinka taasina ay keyntay in la dabciyo xirnaashaha Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay markii ay fududeeyeen Xirnaanshiyaha Wadooyinka ay Al-Shabaab u fudu-daatay iney magaalada soo galaan oo ay weeraro ka geestaan sida uu hadalka u dhigay.