DHAGEYSO:-Sideed Ruux Oo Cuduro ugu Geeryootay Deegaanka Gubadley

0

Dadka deegaanka gubadley ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabanayaan  cuduro ka dhashay qashin farabadan oo shirkadaha Nadaafada ay ka qaadaan Muqdisho,isla markaana ay geeyaan deegaankaas.

Bulshada ku nool deegaanka gubadley ayaawaxa ay sheegeen in caqabad ugu weyn ee deegaanka ka taagan ay tahay cuduro ka dhashay qashinkaas,isla markaana ay dad u geeriyoodeen cuduradaas kuwo kalena ay la jiifaan.

Sheekh Xuseen Jeelle oo ka mid ah dadka  deegaanka ayaa sheegay in Cuduradaas ay u geeriyoodaeen Sideed Ruux 15 kalena ay la jiifaan,cuduradaas oo sabab u noqday nadaafad darro ka dhalatay qashinka deegaankaas ay geeyaan Gawaarida qashinka ka qaada Magalada Muqdisho.