DHAGEYSO:-Shir looga hadlay Arrimaha Kaluumeysiga Soomaaliya oo Lagu Soxiray Talyaniga

0

Shir looga hadlay arrimaha Kaluumeysiga Soomaaliya oo Ay ka qeyb galeen Madaxda ka socota Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Roma ee Caasimadda Talyaniga.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Dalka Mudane C/raxmaan Cabdi maxmed Xaashi ayaa faahfahin ka bixiyay Waxyaabaha ka soo baxay Shirkaasi.

Wasirka ayaa Sheegay In arinta ugu weyne ee shirkaan soomaaliya uga hadashay ay tahay kaluumeysiga sharci darada ah ee markiibta shisheeye ku hayaan soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa.

C/raxmaan Cabdi maxmed Xaashi Wasirrka kaluumeysiga soomaaliya ayaa si doo kale waxaa uu sheegay in hay’adaha qaramada midoobay uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa kaluumeysatada soomaaliya loona siin lahaa qalab casri ah.