Al-shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay laba nin degmada Jilib

0

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay dil ka geysteen deegaano hoos yimaada degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Maxkamad Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Jilib ayaa xukun qisaas ah  ku fuliysay Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah.

Kuwaas oo dhawaan la sheegay in dil ay u geysteen nin Xoolo dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan oo dilkiisa ka dhacay Baadiyaha Degaanka Galsheeq ee gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ragga xukunka ay ku fuliyeen ay qirteen falkii lagu eedeeyay ee ahaa in ay dil geysteen, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaara ah ku toogtay labada nin oo ay goobjoog ka ahaayeen boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.