Akhriso:-Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen Ku Simihii Taliyaha Nabad Sugidda Afgooye

0

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa duleedka Magaalada Afgooye waxaa ay ku dileen Nin horay uga tirsanaan jiray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ninkaan ayaa shabaab waxa ay ku sheegeen inuu ahaa ku simaha taliyaha Nabad suggidda degmada Afgooye.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudle Mad Nuur , waxaana la dilay xilli uu kusii jeeday beer uu ku lahaa tuullo hoos timaada degmada Afgooye.

Kooxda Hubeysan ee dilka geysatay ayaa horay u qaatay gaari nooca raaxadda ah oo uu watay.

Gudooomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa Risaala u sheegay in ninkaasi uusan ka tirsaneyn Nabad suggidda uuna ahaa Generaal hore oo ka tirsanaan jiray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.