AKHRISO:- Dilaal qorsheysan oo kadhacay Waqooyiga Gaalkacyo

0

Xalay ayaa dilal Qorshaysan ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudu kuwaasoo ay gaysteen dablay ku hubaysan Qoryaha Fudud.

Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay nin shacab ah oo ilaalo ka ahaa ka hor dilkiisa Suuqa weyn ee magaalada Galkacyo xarumo ganacsi oo kuyaalay.

Sidoo kale gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dhawacay Nin kale oo Ganacsatada oo isagana kooxo madaxa soo duubtay ayaa ku dhawacay Albaabka hore ee Gurigiisa sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Eheladda Marxuumka.

Ma jirto ilaa hada cid sheegtay dilalka qorshayn ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaaso oo labaduba ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo mana jirto wax hawlgalo ah oo ay ciidamada Amniga gobolka Mudug Sameeyeen Tan iyo markii ay dhaceen dilalkaasi qorshayn.

Marxuumkii uug horeyey ee lagu dilay Garsoor ee waardiyaha ayaa gaari dhexdiis xabada looga dhuftay sida ay noo sheegeen dadka xaafada Garsoor qaar kamid ah sidoo kalana ganacsatada ayaa dhawac Culus loogu gaystay gurigiisa hortiisa.