Eng. Yariisow “Gobolkaan maqaadan karo shaqaale aan shaqeynin mushaarna qaata”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng.Yariisow ayaa sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya lala xisaabtami doono shaqaalaha gobolka, ciddii lagu helana in aysan si sax ah u shaqeynin hay`adaha Garsoorka loo gudbin doono si loola xisaabtamo.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa yiri ”Gobolkaan maxamili karo shaqaale aan sahqeynin shacabkana aysan ogolaan karin arinkaa marka waxaan bilaabi doonaa isla xisaabtan dhab ah, shantii bilood ee la soo dhaafay shaqaalihii lagu helo in uusan shaqeynin mushaarna qaadtay waxaan la tiigsan doonaa sharciga wuuna soo celin doonaa mushaarkii uu qaatay”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng.Yariisow ayaa Agaasimayaasha iyo laamaha kala duwan ee gobolka faray in howshaas ay dar dar geliyaan si meesha looga saaro qof asaga oo aan sahqeyn mushaar qaata.