DHAGEYSO:-Xaflad lagu soo Xirayey Wajigii Koobaad ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo ka dhacday Dhuusa Mareeb

0

Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay Xaflad lagu soo gaba gabaynayey Wajigii Koowaad ee Ciidamada Daawiishta Galmudug.

Ciidaman lagu soo Bandhigay magaalada Dhuusa mareeb ayaa ahaa wajigii koowaad kuwasoo loo diyaarinayo inay dagaal lagalaan Al-Shabaab oo qayb kamid ah gobolka Mudug kula dagaalamayaan dad Xoolo dhaqto ah.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inay dawladu diyaarinayso waxyeelaha ka dhiman ciidamadan iyo qaybtii labaad ee ciidamada.