DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka HirShabeelle oo dalbaday in Sharciga la horgeeyo ragii Jowhar ku kufsaday Haweeney 85 sano jir ah.

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa Ciidamada Booliiska HirShabeelle ka dalbaday iney sharciga hor geeyaan ragii ka dambeeyay fal kufsi ah oo dhawaan ka dhacay Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa Ciidamada ku amray iney si deg deg ah u sameeyaan Baaritaan islamarkaana ay sharciga Waafajiyaan dadkii ka dambeeyay falkaas xanuunka badan.

Dhinaca Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali C/llaahi ayaa faah faahin ka bixiyay Kulamo maalmihii la soo dhaafay uga socda Magaalada Muqdisho iyo Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabeelle oo maalmo kadib ka furmaya Jowhar