DHAGEYSO:-Faah faahin ka soo baxeysa Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

0

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM,ayaa barqanimadii Maanta waxa Qarax khasaaro geystay lagula eegtay Isgooyska Soos ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Goob jooge ka mid ah Dadka Degaanka oo ayaa sheegaya in Kolonyo ay Wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM qarax Miinada Nuuca Dhulka lagu Aaso lagula eegtay xili ay marayeen Isgooyska Soos ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.