Akhriso:-Maraykanka Oo Safiir Cusub Soomaaliya Usoo Magacaabay

0

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa danjire cusub u soo magacaabay Dalka Soomaaliya,kaas oo lagu magacaabay Donald Yamamoto.

Trump ayaa sidoo kale magacaabay Danjiraha Mareykanka ee dalka  Nicaragua,waxaana lagu sheegay in ujeedada magacabistan ay tahay sidii loo buuxin lahaa safaaradaha banaan ee uu Mareykanka ku leeyahay waddamada kale ee Caalamka ee xiriirka Diplomasiyada kala dhexeyo.

Danjiraha cusub ee uu Mareykanka u soo magaacabay dalka Soomaaliya waxaa uu horay safiir uga soo noqday Dalka Itoobiya intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009kii,waxaa kale oo uu danjire ka noqday dalka Jabuuti oo uu ka shaqeynayay intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003dii.

Mar waxaa uu ka tirsanaa waaxda wasaaradda arrimaha dibadda qeybteeda qaarada Afrika,waxaana uu bilo ka hor isaga oo wafddi hoggaaminaya booqasho ku tagay dalalka Jabuuti,Eritrea iyo Itoobiya.

Dhinaca kale  Kevin Sullivan ,ayaa loo magacaabay danjiraha dowlada Mareykanka ee wadanka Nicaragua,iyada oo todobaadkii la soo dhaafay Mareykanka cuna qabateyn saaray saddex shaqsi oo u dhashay Dalkaasi