Akhriso:-Diyaar Garowgii Dagaalka Sool ee Puntland oo Soo Dhammaaday iyo Madaxweyne Gaas oo Wasiirada Isugu Yeeray

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomin doona kulanka golihii wasiiradda, kulan ay yeelanayaan waxaa aad looga hadlayaa Ammaanka, Siyaasadda iyo dagaalada gobalka Sool.

Mudada uu socdo shirkaan xasaasiga ah ayaa waxaa warbixino looga dhegaysan doonaa gudiga difaaca Puntland oo ka warbixinaya diyaar garawga dagaalka gobolka Sool oo meeshii ugu dambeeyey maraya.

Xog hoose ayaa sheegaysa in xukuumadda oo ka jawaabaysa cadaadiska shacabka iyo mudada dheer ee ciidanku diyaar garoobayeen ay go’aaminayso xilliga rasmiga ah ee dagaalka la qaadayo.