Akhriso:-Al Shabaab Oo Buux Dhaafiyay Deegaanka Caad

0

Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan maamulka galmudug iyo maleeshiyada deegaanka oo isku dhinac ah iyo dhanka dagaalyahanada Al shabaab oo halkaasi soo buux dhaafiyay.

Ciidamo katirsan kuwa galmudug ayaa la sheegay iney gaareen degmada Hobyo ee gobalka Mudug, in kastoo aan wali la xaqiijin ujeedka rasmiga ee ciidamadaasi ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in ciidankaasi laba u jeed midkood ay halkaasi usoo gaareen.

Mida 1-aad ayaa lagu macneeyay iney tahay gurmad ay doonayaan iney u fidiyaan maleeshiyaad ka dagaalamaya deegaanada Caad Iyo Maamiyo ee gobalka Mudug, halka wararka kale ay sheegayaan iney tahay cabsi laga qabo weeraro Xoogaga Al shabaab ay ku qaadaan degmada Hobyo oo maal mihii ugu danbeeyay laga abaabulayay weerara ka dhanka ah Al shabaab ka ka dagaalama gobalkaasi Mudug.

Al shabaab ayaa dhanka kale la sheegay iney ciidamo fara badan geeyeen duleedka Magaalada Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan, inkastoo aan la ogeen waxa ay ka damacsan yihiin ciidankaasi meesha ay geeyeey hogaanka Al shabaab ee gobalkaasi Mudug.