SAWIRRO:-Dacwadaha ay Qaadaan Maxkamadaha oo Si toos ah Lagala Soconayo Xafiiska Farmaajo

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf,iyo wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa maanta daah furay hanaan cusub oo loo qabanayo Dacwadaha.

Nidaamkan ayaa lagu sheegay in uu muhiim u yahay keydinta Xogta iyada oo si Electronic ah loola soconayo dacwadaha.

Nidaamkan waxaa ku shaqeyn doona Maxkamadaha kala ah midda sare,Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay  System-kan cusub ee Electarooniga.

Wasiirka cadaalada soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in kiisaska ay qaadayaan maxkamadaha lagala soconayo Madaxtooyada dalka gaar ahaan xafiiska Farmaajo.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed   oo ugu dambeyn ka hadlay xaflada lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka electarooniga ah ayaa sheegay in hanaankan cusub laga dhaqan gelin doono maxkamadaha dalka.