DHAGEYSO:-Caruur ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho.

0

Ugu yaraan Laba Carruur ah ayaa ku Geeriyootay Labo kalana way ku dhaawacmeen kadib Markii uu Gaari Jiiray Caruurtaan ku sugneed degmada Waabari ee Gobalka Banaadir, meel u dhaw Buundooyinka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Gaari Nuuca Raaxada ah uu ka soo baxay Laamiga kadib uu jiiray Carruur Dugsi Qur’aan u socotay oo mareysay ka soo hor jeedka Laamiga UNICEF dhinaca degmada Waabari,Gaariga ayaa ka yimid dhinaca Xamar-weyne.