DHAGEYSO:-Kalumeysato Soomaali ah oo lagu la’yahay Xeebaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah oo la helay

0

Guddiga Kaluumeysatada Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dhalinyaro Kaluumeysato ah oo Bishii April ee sanadkaan lagu waayay Xeebaha Magaalada Muqdisho, raadin dheer kadib la ogooday in lagu haysto dalka Sri Lanka oo laga qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Saddax ka mid ah Kaluumeysatadii maqneeyd la ogaaday iney joogaan Dalka Sri Lanka waxaana la soo dhigay Baraha Bulshada Islamarkaana xariir lala sameeyay Dowladda Sri Lanka ay sheegtay iney heyso dadkaasi.