Akhriso:-Shir looga hadlayay Arrimaha Qaxootiga oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Jabuuti

0

Shir looga hadlayay Arrimaha Barakacayaasha iyo Muhaajirinta ayaa waxa la soo gaba gabeeyay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti,kaas oo Maalmahan halkaas i ka scoday.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Xog’hayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada ballaaran ee ka jirta dalalka Afrika.

Dhanka kale Wuxuu sheegay in Dowladda Jarmalka ay balanqaaday in ay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo Arrimaha Barakacayaasha, qaxootiga iyo Muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in mashquuraacan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayo, Ayuu yiri Maxbuub Macalin.