Akhriso:-Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran

0

Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta dowladda ayaa hakad galiyay Waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayey Ciidamadu ka celinayaan qeybo ka mid ah Waddada Makka Al Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababaha ka dambeeya xinaashaha Waddooyinkan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku nool Caasimadda.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo wajahan wafdi uu hoggamaaminayo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka soo dago garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.