Maareeyihii Duulista iyo Saadaasha Hawada oo Shaqada Laga joojiyay

0

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle),ayaa shaqo ka joojin lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar oo ku taariikheysnaa 9 bisha July ayaa lagu sheegay shaqadii iyo saxiixii Maareeyaha la joojiyay.

Xilka maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada waxaa loo dhiibay si KMG ahaan Maareeye kuxigeenka Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.