Kooxda Al-shabaab oo Weerar Khasaaro geystay ku qaaday Saldhig ay ku sugnayeen Ciidamada Kenya

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Hamey ee Hoostagta Waaxda liboi ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya,ayaa sheegaya in Dagaalayahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar Xooggan ay ku qadeeyn Saldhiga ay Ciidamada Booliska Kenya ay ku lee yihiin Degaankaasi.

Dhanka kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya uu Dagaalkaasi Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray,inkasto aysan si rasmi ah u shaacinin Saraakisha Ciidanka Kenya Khasaaraha ka soo gaaray Dagaalkaasi,waxaana Warbaahinta Dowladda Kenya oo soo xigeynaya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kenya ay tabinayaan in Al-shabaab Khasaaro Xoog leh uu ka soo gaaray Dagaalka ay ku soo qadeeyn Degaanka Hamey ee Hoostaga Waaxda Libio ee Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya