DHAGEYSO+SAWIRO:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Daahfuray Hanaanka Gal-Dacwadeedka Electarooniga

0

Xafladaan lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir, Ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare , wasiirka cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , guddomiyayaaha maxkamadaha racfaanka iyo tan gobolka banaadir , garsoorayaal iyo shaqaalaha heyadaha garsoorka ee dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada, ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay System-kan cusub ee Electarooniga.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.