DHAGEYSO:- Boqor Burhaan oo la kulmay Waxgaradka degaanka Rako

0

Boqorka Burhaan Boqor Muuse oo safar ku tegay degmada Rako raxoo ayaa kulna la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka degmada Rako Raaxo, madasha ay isugu yimadeen shacabka degmada Rako iyo waftiii u hogaaminayay Boqorku waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan kuwaas oo intooda badan diirada lagu saarayay ahmiyada nabada iyo wada noolashaha bulshadagudoomiyaha gobolka karkaar iyo madax kala oo ka mid ahayd ergada nabadgelyo raadiska oo goobta ka hadlay waxay ka codsadeen bulshada deegaanka in laga qayb qaato sidii loo joogtayn lahaa nabada loogana fogaan lahaa wax kasta oo abuuri kara colaad dhex marta dadka walaalaha ah.

Suldaan Maxamed Sulaad Muuse iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ahmed oo ka hadlay goobta waxay boqorka ugu mahadceliyeen booqashada uu ku yimi degmada Rako Raaxo, waxayna ka aqblaeen gogosha uu dhigay sidoo kalena waxay tilmaamen inay diyaar u yihiin xoojinta Nabada.

boqor burhaan boqor muuse waxa uu uga mahadceliyay shacabka Rako raaxo soo dhawaynta ay u muujiyeen waxa uuna kula balamay reer Rako in ay balan qaadaan in aysan colaad danbe uga dhici doonin deegaanada ay wada dagaan beelaha walaalaha ah , boqorka iyo weftigiisa ayaa isla maanta gaaray degmada Xumbays iyagoona halkaas kula kulmi doona odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas.