Wasiirkii UK u qaalbilsanaa wadaxaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub oo is casilay

0

Wasiirkii UK u qaalbilsanaa wadaxaajoodka ka bixitaanka midowga Yurub ayaa is casilay,ka dib markii Theresa May ay xaqiijisay taageerada wasiirada ee qorsheheeda ku aadan ka bixitaanka UK ee Yurub, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in taageeradooda aysan ahayn mid sidaa usii xoogbadan.

Mr Davis ayaa xilkaan loo magacabay sanaddii 2016, waxa uuna u xilsaarnaa wadahadalada ka bixitaanka midowga Yurub ee UK. Waxaana la sheegaya in arrintan ay dhabar jab weyn ku tahay ra’isalwasaare Theresa May.

Sidoo kale waxaa durbadiiba is casilay Steven Baker oo ahaa ku xigeenka Mr Davis. May ayaa maanta isku diyaarineysay in ay xildhibaanada kala hadasho isla arrintaan.

Warqadda iscasilaadisa ayuu Mr Davis ku sheegay in uusan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda u wajeheyso ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

Jawaabteeda ku aadan iscasilaadda ayay Mrs May ku sheegtay in aysan ku raacsanayn qaabka ay wasiirada u sharxeen qorshaha la isku raacay maalintii jimcaha ahayd.

Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay is casilaadiisa balse waxa ay uga mahadcalisay shaqadii uu qabtay intii uu xilka hayay.