SAWIRRO:-Dowladaha eritrea iyo Itoobiya oo soo afjaray dagaalkii xadka

0

Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo ku salaysan nabadda iyo xiriir saaxibtinimo, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalka Eritrea.

Wasiirka waxaa uu sheegay in heshiis ay qeyb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa Maalgashigga Itoobiya iyo sidoo kale Eritria.

Heshiiska ayaa lagu xusay inuu soo afjarmay dagaalkii uu dhexeeyay labada dal sidda uu sheegay Wasiirku.