Dhambaal Tacsiyadeed:- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuumad Bishaaro Adan Yuusuf.

0

Dhambaal Tacsiyadeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho Allaha u Naxariistee Marxuumad hooyo Bishaaro Adan Yuusuf.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Hooyo Bishaaro Adan Yuusuf, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Marwada koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin, qooyska iyo qaraabada iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Bishaaro Adan Yuusuf, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa in uu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuumad Bishaaro Adan Yuusuf, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Bishaaro Adan Yuusuf Janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Sidoo Kale  Dhambaal Tacisiyadeed oo midkan la mid ah diraya:

Dhamaan Jaaliyadaha dalka Dibeddiisa.