DHAGEYSO:-Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil ay ka geysteen agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay mid ka mid ahaa dadka deegaanka, kaas oo goob ganacsi ku lahaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Baakaraaha ee Magaalada  Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.