XOG:- Mid kamid Beelaha Puntland oo Cidankoodi kala Baxay Tukaraq

0

Ciidanka Beesha Reer Mahad ee (Cumar Maxamuud) oo iskaga Baxay Jiida Hore ee Tukaraq waxayna u Ruqaansadeen Saaka Xaradii ay ka yimeedeen oo ku taala Deegaanka Godod ee Gobalka Mudug.

Ciinkii ugu badnaa ee Tukaraq ka dagaalamayay oo ahaa Ciidanka Godod ka yimid waxay saaka ka baxeen Furintii dagaalka Tukaraq, Ciidankaan oo Haysta Hubka Culus ee Puntland yaala waxay tiradoodu Gaaraysa ilaa 2.000 oo Nin(Laba kun oo Askari ) Saraakiisha hogaaminaysa Ciidankan waxay shegeen inay iska Baxeen dagaalkii Tukaraq dib dambe aysan ugu soo noqon doonin jiidaha hore ee Gobalka sool maadaama Meesha aysan ka jirin wax Dagaal ah ayna joogeen Tukaraq mudo 7 Bilood ah.

Sidoo kale waxa la sheegay Sababta Ciidanka Beesha reer Mahad uu dagaalka uga baxay inay tahay, kadib markii Cabdiwali Cali Gaas uu xilalkii ka qaaday dhamaan Masuuliuiinyii iyo Saraakiishii Beesha Reer Mahad ee xilalka ka hayay Puntland oo kala ahaa.

1)Wasiirkii Waxbarashada Cali xaaji Warsame.
3)Taliyaha Ciidanka Birmadka Puntland Afdalow.
3)Taliyaha Boliska Gobalka Mudug Beergeel.
4) Xisaabiyihi Wasaarada Maliyada Gobalka Mudug.
5)Afar Agaasime waaxeed oo xilka laga qaaday
6) 5 Taliye ku xigeen oo xilkii laga Finishay

Waxaana ugu dambeeyay Xisaabiyihii Gobalka Mudug oo xilkii laga qaaday dhawaan loona Magaacay xilalkaas Beelo kale oo waligood aan difaacin Puntland, Cabdiwali Cali Gaas ayaa dagaal toos ah kula jira Beesha Reer Mahad oo ah Laf dhabarta Cumar Maxamuud , Aakhirkii Gaas wuxuu Sababtay in maanta ciidankii difaaci lahaa Puntland ay soo baneeyaan Furintii Dagaalka ayadoo la Sheegay ciidamada kale ee Puntland ee hada jooga Tukaraq inay iskaga Noqonayaan Saldhigyadii ay ka yimaadeen..