Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay lala eegtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiirka ayaa qolalka la seexayay dhaawacyada mid mid u booqday isagoo u rajeeyay caafimaad taam ah.

Shalay barqadii ayaa maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab waxaa ay weerar is qarxin ah ku qaadeen xaruntii Ote Ote oo hadda ay degan yihiin wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee dowladda Soomaaliya.